Baydhaba (dayniiile.com)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda Kmg ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Gudoomiyaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, wasiiro Iyo Xildhibaan ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Iyo shacab badan.
Warbixinteenii saaka sidaan idinkugu sheegnay Gudoomiyaha ayaa baydhaba kaga kaga qeygalaya kulamo u dhexeeyo xildhibnaanada heer faderaal ee reer koonfur Galbeed iyo Madaxweyne Lafta-gareen.
Kulankaani oo shalay maalintiisa koowaad uu dhacay ayaa waxaa looga hadlayaa taageero loo raadinayo qorshaha wax ka badalka dastuurka kaasoo dhawaan Baarlamaanka uu ka doodi doono si loogu codeeyo.
Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Laftagareen oo isbahaysi siyaasadeed la ah Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya inay xildhibaanada reerkooda ka iibiyaan qorshahan wax ka badalka dastuurka oo uu wato Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 6 people and daisMay be an image of 11 people and daisMay be an image of 7 peopleMay be an image of 5 people and headscarfMay be an image of 5 people and headscarfMay be an image of 6 peopleMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 14 people and daisMay be an image of 14 people and daisMay be an image of 8 people, dais and text
Previous articleSIRTAAN FURAN KALIGAA HAYSO
Next articleWasiirka Warfaafinta oo Saxafiyiinta Digniin adag u jeediyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here