Garowe (dayniiile.com)- C/rashiid Yuusuf Jibriil oo ah Guddoomiyaha Baarlamanka Dowladd Goboleedka  Puntland ayaa saaka ku wajahan xarunta baarlamaanka xili xalay saq dhexe ay amniga la wareegeen Ciidamo uu soo diray Saciid Dani Madaxweynaha Puntland.

Qorshaha Saciid Dani waa in Xaruntaan ay ku shaqeeyaan guddiga  xallinta Khilaafaadka doorashada madaama uu aaminsan yahay in baarlamaanka waqtigoodii dhamaaday halka gudoomiye C/rashiid-na aamisan yahay wali fikirkii mudo korsiga sanadka ay sameeyeen.

Advertisement

Talaabada uu isku dayga ah ee Gudoomiyaha Baarlamaanku ku rabo inuu ku tago xarunta barlamaanka ayaa laga cabsi qabaa inay ka dhalato xiisad dagaal madaama awoodii xarunta laga fara maroojiyay Gudoomiyaha.

Cabsida waxaa sii xoojinaya kooxaha mucaaradka oo iyagana laga yaabo inay soo garab siiyaan gudoomiyaha.

dhex dhexaadintii ay wadeen dhaqanka Gudiyadii ismimada Puntland ayaan u shaqeyn sidii la rabay sidoo kale soo jeedintii beesha caalamka ee ahayd in si nabdoon doorashada loo qabto ayaan shaqeyn.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMaayarka cusub ee Burco oo Isbitaal loola cararay kadib khudbad uu ka jeediyay xafladii doorashadiisa
Next articleSaciid Dani oo soo ceshtay awoodiisii Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here