Ankara-Turkey November 26, 2024: Guddiga Saaxiibtinimada ee Baarlamaanada dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga oo booqasho rasmi ah ku jooga Turkiga ayaa la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dowladda Turkiga mudane Numan Kurtulmus.
Kulanka ayaa looga hadlay tababarada howlwadeenada Baarlamaanka Soomaaliya, dhismaha xarunta Baarlamaanka oo ay horay u balan qaadeen, dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Ankara oo hada meel wanaagsan mareysa, qorshihii lagu dhisi lahaa iyo in Baarlamaanka Soomaaliya ay kala shaqeeyaan doorashooyinka qof iyo codka ah farsamo ahaan iyo waaya aragnimo.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dowladda Turkiga Mudane Numan Kurtulmus ayaa xubnaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga kaga mahadceliyay booqashada rasmiga ah oo ay ku joogaan Turkiga, isagoo balan qaaday inuu ka shaqeynayo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada Baarlamaan.
Dhanka kale guddiga saaxiibtinimada ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga ayaa la kulmay dhigooda dalka Turkiga, iyagoo kala hadlay horumarinta iyo dardar gelinta labada guddi si loo gaaro hadafka labada guddi loo magacaabay.
Ugu dambeyn Guddiga ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha guddiga Waxbarashada, Dhaqanka, Dhalinyarada iyo Cayaaraha mudane Xildhibaan Mahmut Ă–ZER, waxana kulanka diirada lagu saaray horumarinata waxbarashada Soomaaliya iyo sidii dowladda Turkiga gacan ugu geysan lahayd in la dhiso iskuulo badan iyo kuwa farsamada gacanta ah.
DHAMMAAD.
Advertisement