HomeWarkiiGudoomiyaha Deg.Moqokori " Alshabaabkii aan qabano waa dileynaa ,waxaan u shegeynaa Dowlada...

Gudoomiyaha Deg.Moqokori ” Alshabaabkii aan qabano waa dileynaa ,waxaan u shegeynaa Dowlada ma jirto wax maxbusu la dhaho”

MOQO-KORI (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdi Mocow ayaa ka hadlay xaalada dagaalada ay kula jiraan kooxda Alshabaab gaar ahan aaga Ceel-hareeri oo asbuuc ku dhawaad dagaalo lagu qiirmay ay kula galeen Alshabaab.

Gudoomiyaha wuxuu si cad u sheegay in Macwisleyda reer Hiiraan go’aansadeen inay dilaan alshabaab-ii ay nolosha ku qabtaan,wuxuuna meesha ka saaray in maxbuus ahaan loo hayo si ugu damben sharciga loo hor-geeyo.

” Alshabaabkii aan qabano waa dileynaa , hadaanba u sheegeynaa Dowlada ma jirto wax maxbusu la dhaho”ayuu yiri Gudoomiye Maxamed Cabdi Mocow

Masuulkaani wuxuu si cad u sheegay hore loo weydiiyay su’aalo ku saabsan alshabaab ma qabateen ,wuxuu carabka ku adkeeyay inay tobanaan Al-shabaab ah qabteen isagoona ku celceliyay  inay agtooda ka jirin wax maxbuus la dhaho kaliyana ay cadeynayaan inay dilayaan alshabaab-kii ay dagaalka ku qabtaan.

Dhanka kale Gudoomiyaha wuxuu sheegay in Alshabaab-kii ugu badnaa ay isku soo urursheen Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha dhexe oo xad la leh Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan kuwaasoo sheegtay inay Hiiraan ku wajahan yihiin.

“waa ka war heynaa Alshabaab meel kasta isaga yimid ee leh anagoon Hiiraan qabsan howl kale nooma taal laakiin waxaan u sheegeynaa uma suurtagaleyso arintaasi “ayuu mar kale yiri Gudoomiyaha Moqokori

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM No description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -