Gudoomiyaha Degmada Kaaraan Abshir Kaaraan oo ka mida saraakiiha hogaamineysa ciidamo shalay Galab loo diray furimaha dagaalka alshabaab looga soo horjeedo ayaa saxaafada kala hadlay duulaankooda.
Gudoomiye Abshir wuxuu ugu horeyn u mahad-celiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Madaale oo ka soo shaqeeyay isku dubaridka ciidamadaani sida uu tilmaamay.
“Duqa Muqdisho wuu ku mahadsan yahay sida uu noo xasuusiyay inaan caddowga Ashabaa dalkeena ka difaacano,waxaana diyaar u nahay inaan wajahno”ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Karaan Mr. Abshir Kaaraan.
Gudoomiyaha wuxuu carabka ku adkeeyay inay dagaalka galayaan islamarkaana alshabaab ka qaban doonaan dalka iyo dadka.
“anaga keena dhinta ama wax dila laba goorba waa Ahlu-Jano sida culumaa’udiinku noo sheegeen”ayuu yiri Gudoomiye Abshir
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM