Gudoomiyaha Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha dhexe Saalax Axmed ayaa beeniyay in Alshabaab dileen Gudoomiye xigeenkiisa Degmadaasi kadib qarax shalay ay la beegsadeen masuuliyiin maamulkaasi ka mida.

Gudoomiyaha Mahadaay oo la hadlaayay Idaacada Kulmiye ayaa  sheegay in qaraxaasi uu ku geeriyooday agaasimaha Amniga Magaalada Mahadaay Allaha u naxariistee Cabdi Maxamud Cali,wuxuu sidoo kale sheegay inay qaraxaasi ku dhaawacmeen laba ruux.

Advertisement

“waxa geeriyooday maaha ku xigeenkeyga ee waa Agaasimaha amaanka Degmada Mahadaay rabi ha u naxariistee”ayuu yiri Gudoomiyaha Mahadaay.

Masuulkaani wuxuu tilmaamay in qaraxaan lagu dilay agaasimaha amniga uu yimid shalay mar ay ku jireen dagaal toos ah ay kula jireen Alshabaab.

Dhanka kale wuxuu sheegay Gudoomiyaha Mahadaay inay dhankooda Al-shabaab gaarsiiyeen khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

“waxaan ka dilnay  oo indhaheena saarnay dhowr iyo toban meydadka  alshabaab ah oo aan ku dilnay dagaalka,anagana waxaa naga shahiiday labo askari”ayuu yiri Gudoomiyaha Mahdaay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here