BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Gobalka Gedo C/llaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) ayaa ka hadlay dagaalkii ugu dambeeyay ee maanta ka dhacay Magaalada Balad-xaawo kasoo ugu dambeeyn Dowladu kula wareegtay gacan ku heynta Magaaladaasi.
Gudoomiye C/llaahi Shimbir wuxuu sheegay in dagaalkii soo dhamaaday hadana ay ciidamada Dowlada Somalia gacanta ku wada dhigaan guud ahaan Magaalada Balad-xaawo islamarkaana xaaladu degn tahay.
Gudoomiyha wuxuu sheegay ineysan wax cidian Jubaland la dhaho oo hada ka jira Balad-xaawo ,sarakiisha hogaamineysa mar uu ka hadlayay ayuu sheegay inay awalba Mandera ka maamuli jireen ciidamada u dagaalama balse aysan awalba gudaha Balad-xaawo joogin.
Mar wax laga weydiiyay talaabada xigt ee ay qaadayaan ayuu sheegay inuu ugu baaqayo dhamaan beelaha Gobolka Geddo inay isku yimaadaan oo aayahooda ka tashtan madaama Dowladu diyaar ula tahay inay ka caawiso sidii loo heli lahaa Maamul Jubaland oo aan ahayn midka Axmed Madoobe hogaamiyo.
“qorshuhu waa in la dhisaa Jubaland hogaankeeda la yaqaan xiliga muda xileedkiisu dhamaanayo , la helo jubaland la wada leeyahay”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Gedo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
