Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa dhagax-dhigay Laamiga Via Liberia ee isku xira Isgoyska Shaqaalaha iyo Waddada 21 Oktoobar ee degmada Waaberi, kaas oo muhiim u ah isu socodka bulshada iyo ganacsiga Caasimadda.

Munaasabadda dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Waaberi, Agaasimeyaal, Odayaasha iyo Haweenka Degmada.

Advertisement

Dhismaha  waddadan ayaa waxa ay  qeyb ka tahay barnaamijka dalkaaga ku dhiso Hal dollar oo qorshuhu yahay in dadweynuhu ay kaalintooda kaga qaataan horumarka Muqdisho .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlayay  dhagax-dhigga Wadadaan , ayaa tilmaamay muhiimadda ay  u leedahay isu socodka Caasimadda, Isagoo ugu baaqay shacabka degmada in ay ilaalshadaan dhismaha wadadaan

Previous articleInjineer Xassan Maxamuud  oo lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka
Next articleRa’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Muqdisho ka daahfuray barnaamijka Cadaaladda & Asluubta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here