HomeWarkiiGudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Safiirka Jabuuti maxay ka wada hadleen+SAWIRRO

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Safiirka Jabuuti maxay ka wada hadleen+SAWIRRO

May be an image of 4 people, people studying and textGudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Muuse Salaad wehliye oo aay wehliyaan gudoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo maaliyada Gobalka Hiiraan Xasan Ibraahim cabdulle, gudoomiyaha Degmada Beledweyne Mudane Cumar cismaan Calasoow, mayarka magaalada Beledweyne Marwo Nadar Tabaax maalin, ayaa kulan wadajir Ah la yeeshay wafdi uu hogaaminayay afiirka Jamuuriyada Djibouti u fadhiya Somalia Ambassador Maxamed Rashiid.
Kulanka oo looga hadlay qodobo muhiim ah ayaa Diiradda lagu saaray xaaladaha arimaha Bini’aadnimo ee ka jiro gobalka hiiraan Dadaalada Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta, amniga Gudaha iyo adkeeynta xasinoonida magaalooyinka Xurta ah si gaar ah kuwa aay ka howlgalaan Ciidamada reer jabuuti ee Hiil walaal, sida Beledweyn, Buulaburte iyo Jalalaqsi, iyo sidii door Xoogan aay uga qaadan lahaayeen howlagaladda ka dhanka ah khawaarijta iyo adkeeynta amniga.
Safiirka Jamuuriyada Djibouti ayaa Ballanqaaday in Dowladda Jabuuti iyo Shacabkeeduba ay garab taaganyihiin shacabka rer hiiraan taas oo xiliyo kala duwan oo adag aay garab u aheeyen walina u Ahaan doonaan si loo xoojiyo amniga iyo hormarinta bulshada dagaalka kula jiro kooxaha argagixiso.
Ugu dambeeyn gudoomiyaha gobalka hiiraan ayaa Kaga mahadceliyay Safiirka Dowlada Jabuuti Booqashadiisa shaqo ee uu ku soo gaaray Magaalada beledweyne ee xaruunta Gobalka Hiiraan ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle, asigoo kaga mahadceliyay Dowlada Jabuuti iyo Shacab keeda sida xiliyada adag aay garab’istaagida ugu mujiyeen shacabka reer Hiiraan .
-DHAMAAD-
WAXII FAAH-FAAHIN AH KALA XERIIR XAFIISKA AGAASIMAHA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA GOBALKA HIIRAAN ,May be an image of 1 person, smiling and newsroomMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and beardMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 1 person, smiling and wingtip shoesMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and people smilingMay be an image of 1 person and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 8 people
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -