BALAD-WEYNE (DAYNIIILE.COM)-Guddomiyaha Gobolka Hiiraan C/laahi Sufurow iyo wafdi uu hogaaminaayay ayaa booqasho shaqo wuxuu ku tagay Magaalooyinka Jawiil iyo Matabaan oo dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Baladweyne.

Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu soo maray Tuulada Beer-gadiid iyo deegaanka Feer-feed ee xuduud-beenaadka Itoobiya iyo Somalia.

Advertisement

Gudoomiye xigeenka siyaasada iyo maaliyada ee Gobolka Hiiraan Xuseen Carab oo wafdiga ka mid ahaa ayaa saxaafada u sheegay inay la soo kulmeen maamulada degmooyinka iyo deegaanada ay soo mareen,sidoo kale qeybaha bulshada ay la soo kulmeen.

Gudoomiye xigeenka wuxuu aad u amaanay horumarada iyo adeega bulsho ee ka socda Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan oo 30 KM dhanka waqooyi kaga beegan Baladweyne oo ah Xarunta Gobolka Hiiraan.

“Degmada Jawiil meelaha aan ka booqanay waxaa ka mid ahaa Isbitaalka,Xarunta Degmada  iyo Saldhiga, waxaana ka socda adeeg bulsho oo dhameystiran”ayuu yiri Gudookiye Xigeenka.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleKooxda Koonfur-Galbeed oo laga tashtay iyo Ciyaaraha dib loo sii anba qaadaayo berito
Next articleMaxaa looga hadlay kulankii maanta ay yeesheen Baarlamaanka+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here