Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cabdulaahi Axmed Maalin sufuroow oo aay wehliyaan masuuliyiin ka’tirsan maamulka Gobalka Hiiraan Ayaa safar shaqo oo loogu guurgalayo xaaladda fatahaadaha ee sameeyey Gobalka Hiiraan ku gaaray Degmada Buulo-burde ee Gobalka Hiiraan oo kamid ah meelaha aay sameeyen Fatahaadaha ku Dhuftay Gobalka Hiiraan, safarka waxaa qeeyb Ka ahaa madax ka socota Hay’adda caalamiga ee Kalmeeya soomaaliya.

Xubno ka tirsan labada gole ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeele oo aay hogaamineeyso Wasiirka wasaarada Gargaarka dowladda Hirshabelle ahne , gudoomiyaha gudiga Gurmadka Xaaladaha fatahaadaha Hirshabeele caasho khaliif Ayaa ku wehliyey safarka shaqo ee lagu gaaray Degmada Buulo-burde oo xaalado adag Wajaheeyso.

Advertisement

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo wafdiga ayaa si Wadajir ah warbixino kaga dhageeystay maamulka Degmada Buulo-burde iyo qeeybaha Kala duwan Ee Bulshada iyo hoowl wadeenada samafalka Midaas oo looga dhageeystay xaaladaha bini-adanimo ee ka dhashay Fatahaadaha Sameeyey magaalada Buulo-burde .

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa dardargelinayo Hoowlaha Samatabixinta bulshada aay sameeyen Fatahaadaha ee guud ahaan gobalka hiiraan
Si loo xaqiijiyo hanaanka caawinta shacabka iyo Helida wax walbo oo daruuri u ah nolasha Aadanaha oo aay ku waayen daruufaha ka Dhashay Fatahaadaha.

DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MAAMULKA GOBALKA HIIRAAN.

Previous articleMaxkamada cIidamada oo u fadhiisatay dacwad loo heysto burcad dhacday Taleefoon-Gacmeedyo
Next articleDoorashada Puntland oo weji cusub yeelatay kadib go’aan ka soo baxay baarlamaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here