MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa maanta kormeer ku tagay qaar kamid ah xarumaha diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Cabdifitaax Faysal Xuseen oo saxaafada u sharaxay kormeerka ayaa daboolka ka qaaday in Gudoomiyuhu maanta amar ku bixiyay inaan in la diwaan geliyo qof sheeganaya in xoog lagu keenay goobaha la iska diiwan geliyo.
“Gudoomiyana gudiga wuxuu mamnuucayaa in qasab lagu diiwaan geliyo muwaadiniinta madaama xeerarka diiwaan gelinta ay qorayaan qof uu xor u yahay inuu is diiwaan geliyo iyo inuu diido”ayuu yiri.
Dhanka kale Gudoomiyaha wuxuu ku dhawaaqay in is diiwaan gelinta lagu daray mudo bil ah madaama waqtigii hore loo qabtay uu dhamaaday.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
