Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel  oo Ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug ay shalay aroortii la wareegeen ayaa sheegaya in xaalka magaalada uu wanaagsan yahay saacadihii la soo dhaafay.

Waxaa saxaafada la hadlay Gudoomiyaha Guriceel Anas Cabdi Macalin oo mar kale hanjabaad Hawada u mariyay dad uu sheegay in ay la shaqeeyeen ama gacanta siiyay Ahlu-Sunna oo qaarkood uu sheegay in ay ku sugan yihiin degmada Guriceel.

 

Anas ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay dadka qeybta ka ahaa waxyeelada soo gaartay bulshada Guriceel, waxa uuna  Wacad ku maray in dadkaas  ay maxkamad kasoo hormuuqan doonaan, sida uu sheegay.

“Cid walba oo gacan ku laheyd oo Guriceel ha joogto ama ha ka maqnaate waxaa rajeynayaa inay maxkamad ka soo hor-muuqan doonto. Raali kama noqon doono in maalin walba la dhibaateeyo guryaheen oo haddan xaafadaha naloo joogo oo dad wanaagsan oo fiican oo wanaagsana la iskaga dhigo wax shaqeyn doono maaha,” ayuu yiri Guddoomiye Anas Cabdi Macalin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaare kala duwan oo saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka, ganacsiga, caafimaadka iyo adeegyada bulshada ee degmada Guriceel.

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here