MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho kaasoo bishii hore uun xilkaani sare loo doortay.Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyay wafdiga Gudoomiye Maxamuud Cali Yuusuf.
Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf socdaalkiisan waxay noqoneysaa tii ugu horeeyay uu ku yimido Magaalada Muqdisho waxaana uu kulamo muhiim ah uu la qaadan doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Dowlada iyo Gudoomiyaha waxay ka wada hadli doonaan arrimo muhiim u ah Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM








DAYNIILE.COM









