MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xubnaha Ururka Midowga Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliya (AOA) ayaa maanta yeeshay kulan muhiim ah oo ay ku doorteen hogaankooda sida Gudoomiye iyo ku xigeenkiisa.
Guddoonka Ururka Midowga Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliya (AOA) waxaa loo doortay Cabdiraxiin Cismaan Dhimbil halka ku xigeenkana loo doortay Maxamed Cabdi Umul,munaasabada doorashada waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin Dowlada ka tirsan iyo Saraakiisha Hay’adaha amniga qaarkood.
Masuuliyiinta lagu casuumay doorashadaan waxaa ka mid ah Wasiiro,Xildhibaano, maamulka Garoonka Diyaaradaha Adan abdule ee Magaalada Muqdisho.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
