Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee Somaliland ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay heshiis ku sheega ay galeen Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya isagoo xusay inaaney waxba soo kordhineyn  xitaa hadii Itoobiyaanku aqoonsadaan Somaliland.

” Heshiiska Soomaaliland iyo Ethiopia mugdi ayaa ku gadaaman waana in Xukuumada Somaliland ay sida Itoobiya u cadeysa waxa dhabta ah ee lagu heshiiyay”ayuu yiri sida uu ku baahiyay muuqaal aan ka soo xiganay TV-ga Universal.

Advertisement

Gudoomiyaha si weyn buu ugu digay Maamulka Muuse Biixi isagoo ku dhaliilay in hore ay ula taliyeen inuu ka fiirsado dagaalada Laas-caanood uu ka wado.

“waa taas laas-caanood hada gacanteena ka baxday hadana waxaan leenahay ka joog wax badso yeysan noo keenin wax beel sidii laascaanood oo kale”ayuu yiri Gudoomiyaha

Previous articleMaxaan ka naqaannaa deegaanka Lughaya ee la sheegay in dhul badeed ku yalla la siiyay Itoobiya
Next articleMaxaa ku soo kordhay howlgalada Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanku ka wadaan miyiga Koonfurta Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here