Waxaan si dhugleh aan udhageystay qudbadahii ay jeediyeen xildhibaanadda u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaan 11-aad, xildhibaanadda maanta ka hor qudbeeyay golaha shacabka Waxaa ka mid ahaa Gudoomiyahii hore ee Baarlamaanka 10-aad
Waxaan islahaa Gudoomiye Mursal waxuu cafis kadalban doonaa umadda somaaliyeed dhibaatadii uu u geystay Dalka inta uu hayay xilka gudoomiyaha Baarlamaanka ,
Fajac & amakaag ayay igu noqotay Mursal inuu lasoo galo joogsado Waxaa ahay musharax u taagan qabashadda xilka gudoonka Baarlamaan oo waliba ku qudbeeyo Erayo ay kamid yahiin
1- Hogaaminteydii Golaha shacabka waxaan ku guuleystay Golahu inuu ka nabad galo ku milmidda Hay addaha kale ee Dowladda
2- waxaan ilaali doonaa cadaalada iyo sinaanta waxaana mudnaanta kowaad siin doonaa isku duubnidda jiritaanka Baarlamaan
3- hadii aad kalsoonidiina isiisaan Waxaa ilaali doonaa ku dhaqanka Dastuurka iyo xeer hoosaadka , jiritaanka awoodda Baarlamaan
Gudoomiye Mursal waxuu ahaa Ninkii jideeyay labadi sano oo sharci daradda aheyd taas oo dalka galisay Amni daro & qalqal siyaasadeed
Waa wax aad looga xumaado in mursal uu ka xishoon waayo dadka somaaliyeed iyadoo laga wada dharagsan yahay inuu Baarlamaankii 10-aad uu hoos geeyay Villa somaaliya
,