Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan oo goob fagaara ah kula hadlay Ciidamada Qalabka sida iyo Ciidamada Dib u xoreeynta Deeganada Gobalka Hiiraan Ayaa fariin adag u diray shaqsiyaadka ku Howlan fashilinta Howl’galada ka Dhanka ah Al-shabaab.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa xusay In cidii markale isku hoowsha falalkaas Al-shabaab nimo loo aqoonsan doono.

Cali Jeyte Cismaan ayaa ku amray Ciidamada Macaweysleyda in ay ku laabtaan fariisimadii ay baneeyeen Xalay.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa carabka ku adkeeyey in howlgalada aay guuleysteen meel wanaagsana aay marayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here