Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada hareeraha wadooyinka la dhigo ah lala eegtay Gudoomiyaha Degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Cariif & Saraakiil boolis ah oo la socotay.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan ayaa ka dhacay deegaanka Daarusalaam oo xiligaasi marayeen gudoomiyaha degmada Yaqshiid iyo saraakiil katirsan ciidanka booliiska Gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay labo askari oo katirsanaa ciidanka la socday Gudoomiyaha Degmada ayaa ku dhaawacmay qaraxa, mana lasoo sheegin khasaaro qaraxan goordhaw dhacay kasoo gaaray dad shacab ah.

Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad oo maanta ka dhaca magaalada Muqdisho , waxaana qaraxyada miino noqdeen kuwa kusii kordhaya wadooyinka magaalada Muqdisho ,iyadoona lala eegto inta badan gaadiidka ciidanka iyo kuwa masuuliyiinta wataan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here