Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan ayaa ka hadlay halka ay u jiheysanayaan marka uu soo dhamaado gulufka dagaal ee Shabaab uga furan gobolka Hiiraan oo haatan dhamaad kudhow.

Cali Jayte ayaa warbaahinta u sheegay iney sii wadi doonaan dagaalka oo ay u wareegsan doonaan gobolada kale si kooxda Al-Shabaab looga saaro guud ahaan deegaanada ay dalka uga sugan yihiin.

“Ujeedada aan ka leenahay waxay tahay, haddaan Hiiraan ka saarno naguma filna ama wax la taaban karo weli ma ahan, ilaama aan ka saarno gobolada kale ee dalku uu leeyahay. Annagu waa inaan yeelano aragti qaran ee aanaan u fekerin aragti gobol iyo aragti degmo, inkastoo xilkani aan hayo uu yahay xil gobol oo uusan ahayn xil Soomaali ka dhaxeeyo, haddana qalbi ahaan, mooraal ahaan iyo maskax ahaanba waxaan aaminsanahay, una diyaarsanahay aragti qaran iyo xoreyn qaran, dhammaan shacabka Soomaaliyeed dhibaatada haysatana in laga dulqaado.” ayuu yiri Cali Jayte.

Si kastaba, Gulufka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa la dhihi karaa waxa uu bilow wanaagsan u yahay dagaalka ay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dooneyso inay ku soo afjarto waayihii kooxaha jid iyo jihadiidka ee dalka falalka amni daro ka geysata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here