Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta hoygiisa qado sharaf ugu sameeyay guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa la isku xog wareystay xaalada guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, waxay ku baaqeen in la dardar geliyo dhameystirka doorashooyinka.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanada dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ka qeyb galay kulanka guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland mudane Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan, guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug mudane Maxamed Nuur Gacal, guddoomiye Baarlamaanka dowlad goboleedka Koofur galbeed mudane Cali Saciid Fiqi, iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Mahad Xasan Cusmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here