Xudur, Oktoobar 19, 2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi wasiiro iyo xildhibaano uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow soo gaaray magalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Xudur ku soo dhoweeyay wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed. Sidoo kale waxaa soo dhoweynta qeyb ka ahaa maamulka gobolka Bokool iyo kan degamadda. Safarka Guddoomiyaha ayaa ujeedkiisu yahay sidii Koonfur Galbeed loogu bilaabi lahaa dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxda nabad diidka ah ee Khawaariijta.
Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa isna gaaray Magaapada Xudur.
Wafdiga Lafta-gaeen ayaa lagu soo dhoweyey Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Labada masuul waxay Xudur u tageen sidi ay halkaas ugu soo dhaweyn lahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.