Muqdisho (dayniiile.com)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ku wajahan Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Bay iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka horu dhaca ah ee la helaayo ayaa sheegaya in ujeedka safarka Gudoomiyaha ay la xiriirto arimo siyaasadeed xili fatahaadii iyo daadadkii roobabka Elnino wali taagan yihiin.

Advertisement

Arimaha siyaasadeed ee Gudoomiyuhu Baydhabo u aadayo saaka ayaa la sheegay inay tahay ka qeybgalka shir shalay ka bilowday Baydhaba kaasoo looga hadlayo wax ka badalka dastuurka dalka si loo meel mariyo qorshe siyaasadeedka Madaxweyne Xasan Sheekh ee ah in la kansalo nidaamka Ra’iisulwasaaraha islamarkaana madaxweyne u xigeen dalku yeesho doorashada soo socota.

Qorshahaan waxaa si weyn uga soo horjeeda siyaasiyiinta xukun doonka ah ee horana xilalka dalka uga soo qabtay sida Madaxweynayaal hore ,Ra’iisulwasaarayaal hore iyo wasiiro hore.

C/casiis Lafta Gareen oo ah Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed oo la duuban Madaxweyne Xasan Sheeh siyaasad ahaan ayaa shalayba bilaabay sidii xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifke ee Faderalka looga dhaadhicin lahaa inay taageraan wax ka badalka dastuurka oo dhawaan baarlamaanku u fadhiisan doono.

Si kastaba Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo isna la dhacsan qorshaha Madaxweyne Xasan ayaa saaka ku biiraya shirka Baydhabo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No photo description available.

Previous articleDuqow Alshabaab ka tirsanaa oo Ciidamada Dowlada isku soo dhiibay
Next articleMucaaradka Dowlada oo xamar isku balansaday iyo ujeedkooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here