Guddoomiye Ku-Xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow Ayaa maanta magaalada Luanda kula kulmay Guddoomiye ku-xigeenka Barlamaanka dalka Angola Mudane Raul Augusto Lima waxaana ku wahlinayay Xildhibaanada labada golle ee BJFS Xoghayaha Guud Ee Aqalka Sare Xoghaye ku-xigeenka Golaha Shacabka BJFS.

Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ugu horeyn Guddoomiye Ku-xigeenka Barlamaanka Dalka Angola ugu warbixiyay xaladda Guud ee dalka Soomaaliya isagoona dhigiisa Angola ka dhageystay warbixin ku saabsan Xaaladda Guud ee dalka Angola iyo Shirka 147aad Ee barlamaanka Aduunka sida ay ugu diyaar garooween martigilinta Shirkaan Caalimiga ah oo noqonaya Markii ugu horeysay oo wadan Afrcan ah lagu qabto doorashada IPU

Advertisement

Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay xiriir iyo wadashaqeyn u yeelan lahaayeen Baarlamaaka Soomaaliya iyo kan dalka Angola isla-markaana ay labada baarlamaan iska kaashadaan dhinacyada horumarka

Sidoo kale Waxaa Magalada Luanda ee wadanka Angola ku soo gabagabobay maanta Shirkii 147aad ee Baarlamanka Adunka Waxaa lagu doortay Madaxweynaha IPU waxaana ku guuleystay xildhibaan Tulia Ackson una dhalatay dalka Tanzania

Gabagabadii Guddoomiyaha ayaa umahadceliyay dhigiisa Angola Soodhaweynta balaaran uu usameeyay asiga iyo wafdigiisa waxa uuna guddoon siiyay Haddiyad uu kasiday jaaliyada Angola Dhankiisa Guddoomiye ku-xigeenka barlamaanka Angola ayaa silamid ah guddoon siiyay Guddoomiyaha Haddiyad iyagoona balan qaaday in ay sii xoojin doonaan wadashaqeynta labada baarlamaan.

=XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA=

Previous articleXildhibaànad Marwo Cabdi Bashiir oo ku eedeysay Gud. Aadan Madobe inuu ka danbeeyo guul-darada ku dhacday
Next articleDEG DEG: Gaza oo caawa Xaaladii ugu adkeyd ku jirta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here