HomeWarkiiGudoomiye xigeenka Gobolka Banaadir oo sheegay ineysan aqbaleyn banaan bax hub laga...

Gudoomiye xigeenka Gobolka Banaadir oo sheegay ineysan aqbaleyn banaan bax hub laga daba wato

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo maanta ka hadlay munaasabad dhagac dhig ahayd oo ka dhacday Degmada Xamar Jajab  ayaa weerar afka ah ku qaaday Mucaaradka Dowlada oo beri qorsheynaya banaan baxyo inay ka dhigaan Muqdisho.

Guddoomiye Yabooh wuxuu sheegay in cidna aan laga aqbalayn inay Muqdisho dib ugu celiso qaraxyadii iyo beegsigii,wuxuu carabka ku adkeeyay in shacabku taas aqbali karin.

“Dowladu wixii banaaanbax ku saabsan meelo gaar ah ayey u cayintay,fowdo cid laga aqbalayo ma jirto,mucaaradka degay mirinaayo iyo goobaha kale ha ogaadaan dalkaan waxaa ka masuul ah Dowlada Somalia, mana dhacaayo wax aysan dowlada ogoleyn”.ayuu yiri Gudoomiye Yabooh

Sidoo kale Yabooh wuxuu carabka ku dhuftay in Muqdisho meel fog  laga keenay, ayna shacabku ku heystaan amaan iyo Dowladnimo,wuxuu mucaaradka u sheegay in Dowladu banaan bax diidaneyn laakiin la diidayo banaan bax hubeysan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -