Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya  Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa saxaafada u sheegay in dhibaato amni ay ka jirto Magaalada Baydhabo oo ah caasimada kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeecd Somalia.

Advertisement

Gudoomiyihii hore  Maxamed Mursal wuxuu carabka ku adkeeyay in Magaalada Baydhabo aan 1KM banaanka looga bixi karin sababa la xiriira cabsi dadku ka qabaan dagaalamayaasha Alshabaab.

Masuulkaan wuxuu ku amaanay ciidamada Xoogga Dalka dagaaladii ay alshabaab kaga saareen degmooyin iyo deegaano badan kuwaasoo hore ugu jirey gumeysiga alshababaa waa sida uu sheegay Gudoomiyihii hore.

“waxaan uga mahadcelinayaa ciidamada uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ee xoreeyay  degmooyin iyo deegaan gumeysi ku jirey”ayuu yiri Gudoomiye Maxamed Mursal

Wuxuu ku baaqay in alshabaab la iska dul qaado mar uu la hadlaayay Soomaalida gaar ahaan reer koonfutr galbeed. wuxuu sidoo kale soo jeediyay in laga faa’iideysto madaxweynaha oo ah taliyaha guud ee ciidamada kaasoo furumaha u taagan dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE,COM

 

Previous articleTaliyaha Milatariga oo saraakiil ciidan kala hadlay ku laabashada furimaha dagaaalka
Next articleMadaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed oo madaxtooyada ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here