HomeWarkiiGudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir "Muqdisho waa inay Dowlad-Goboleed Noqotaa"

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir “Muqdisho waa inay Dowlad-Goboleed Noqotaa”

May be an image of newsroomGudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay wuxuu ku soo jeediyay in Magaalada Muqdisho loo sameeyo Dowlad-Goboleed.

Qoraalka Maxamed Axmed Amiir ayaa sidan u qornaa:-

Muqdisho waa inay Dowlad-Goboleed Noqotaa.

Muqdisho waa caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waana magaalada ugu dadka badan dalka oo ay ku nool yihiin in ka badan 4 milyan qof. Waa xarunta siyaasadda, dhaqaalaha, adeegyada iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed, waana dadka bixiyaa canshuurta uu dalka ku socdo. Si kastaba ha ahaatee, Muqdisho ma laha maqaam dowlad-goboleed oo buuxa, taasoo keentay jahawareer maamul, awood qeybsan iyo adeegyo dadweyne oo aan daboolin baahida shacabka.

Si waafaqsan mabaadi’da federaalka iyo tusaalooyinka caalamiga ah sida Berlin, Washington D.C., iyo Addis Ababa, caasimaddu waa inay is-maamushaa, mana hoos imanayso dowlad-goboleed kale. Muqdisho waxay u baahan tahay maqaam gaar ah oo ay ku yeelato baarlamaan, maamul, miisaaniyad iyo awood sharci oo la mid ah dowlad-goboleedyada kale.

Tirada dadka, culayska adeegyada qaran ee ay martigeliso, iyo baahida xasillooni siyaasadeed ayaa caddeyn u ah in Muqdisho ay lagama maarmaan tahay inay noqoto Dowlad-Goboleed Caasimadeed. Tani ma aha arrin siyaasadeed, balse waa baahi qaran, cadaalad federaal ah, iyo furaha mustaqbalka xasilloonida ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, waana soo aragnay baahida loo qabo inaan go’aamada horumarinteeda ay dhib badan tahay in meel kale laga sugo

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -