Madaxweyne cusub ayaa loo magacaabay Maxkamadda Caalamiga ah (ICJ) kaasoo bedelaya Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo ka soo jeeda Soomaaliya, kaasoo la sheegay inuu dhameystay muddo xileedkiisii saddexda sano ahaa.

Joan E. Donoghue oo ah haweeney ka soo jeeda dalka Mareykanka ayaa loo magacaabay Madaxweynaha cusub ee Maxkamada ICJ, halka Kirill Gevorgian oo u dhashay Ruushka isna loo doortay Madaxweyne ku-xigeen,

Madaxdan cusub ayaa xilla hayn doona min saddex sano, waxayna arrintani ku soo aadeysaa xili Maxkamadda caalamiga ah ee Garsoorka ICJ ayaa bisha soo socota ee Maarso waxay qaadaysaa dacwadda dowladda Federaalka Somalia ka gudbisay sheegashada Kenya qeyb ka mid ah xad badeedka Soomaaliya.

Ad by Valueimpression

Dacwadan ayaa dhowr mar dib loo dhigay kadib markii Kenya oo ka baqeysa in looga guuleysto ay dalbatay dib u dhigist

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here