Anigoo ah Gudoomiyaha aqalka sare ahna Gudoomiyaha madasha badbaado qaran waxaan shacabka soomaaliyeed ka codsanaynaa inay garab walaalnimo nugu siiyaan inaan dalkeenna ka badbaadsano kaligi talis aan wax dhib ah ku qabin burburka dalkeenna wax dhib ahna aan ka soo marin oo dhalasho kale iyo dhulal Umado kale u tashanaya.

Waxaan idiin xaqiijinaynaa in dalkaan lugu hago tubta wada tashiga, wada ogolka, dimoqoraadiyadda iyo sinnaanta hadii Eebbe idmo.

Maanta labo wado ayaa la kala qaaday wadada soomaalinimada iyo wadada gumaysiga mid u hiilliya hadaad garab ina siisaan waxaan hubaa inaan dalkaan badbaadi karno.

Dhallinyarada soomaaliyeed oo ah cududda ugu badan dalkaan weeye waxa dhaxalkooda la boobayo oo Ethiopia laga iibinayo waxaan rabnaa inaad nala garataan dalkaan meesha loo wado iyo waxa aan ka celinayn
Aan wada dhahno

MAYA MAYA MAYA

GALIGI TALIS LOO LAABA MAAYO
WAQTIGAAS WAA LA DHAAFAY

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here