Gudoonka Baarlamaanka iyo Ra iisal wasaraha oo Kulan la qaatay Gudiga isku Keenida Dowlada Dhexe iyo maamul Goboleydyada

0

Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddomiyaha Golaha Shacabka baarlamanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo xubno kale.

Lama faahfaahin waxyaabaha kulankan looga hadlay balse waxaa uu ku soo beegmayaa xili maalinta beri ah la filayo in magaalada Jabuuti uu ka furmo shir heer sare oo ay ku kulmi doonaan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo & Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Shirkan ayaa waxaa qaban-qaabisay dowlada Maraykanka, waxaana lagu casuumay RW Itoobiya Abiy Ahmed, iyadoo uu shir guddoomin doono Madaxweynaha martida loo yahay ee dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

  

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here