GAROWE (DAYNIIILE.COM)-Doorashooyinkii Maanta ka dhacay Xarunta Baarlamanka Puntkand ayaa jawi degan ku soo dhamaaday iyadoo la dhameystirey Gudoonka Baarlamanka.

Labada Gudoomiye ku xigeen ayaa la doortay kadib markii Gudoomiyaha oo ka horeeyay lagu kala baxay sida aan warkeenii maanta idinku soo bandhignay waxaana Gudoomiye oo doortay Saciid Axmed Jaamac.

Advertisement

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Puntland waxaa ku guuleystay oo loo doortay Maxamed Baarri Shire halka Gudoomiye xigeenka labaad loo doortay Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe) .

Isbadal ayaa ku yimid habkii doorashooyinka madaama markii hore gudoomiyaha iyo ku xigeenka labaadna ay heli jireen dadka laga soo doorto dhanka SSC Khaatumo balse hada labada Gudoomiye xigeen ayaa laga soo kala doortay Bari iyo Mudug,waxaana loo sababeynayaa madaama reer Khaatumo sameysteen Maamul u gaar ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleGeneral Gacmadule oo sheegay in Soomaaliya leedahay awood Ciidan oo ay Badaheeda iyo dhulkeeda ku difaacato
Next articleJawaari “waa in maxkamad la soo taagaa kuwa Badda iibsaday”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here