Muqdisho(dayniiile.com)-Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir  Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ka warbixiyay kormeee amni uu xalay ku sameeyay Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

Gudoomiye Yabooh waxaa ku wehliyay kormeerkiisa xalay Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir  Feysal Caraale Afrax ,Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud Maxamed iyo Saraakiisha Amniga Degmada.

Advertisement

Socod iyo qiimeyn ay ku sameeyeen goobaha ganacsiga ayaa ahaa kormeer ay ugu kuur-galayeen Xaalada Amni ee Caasimadda Muqdisho gaar ahaan Degmada Yaaqshiid.

Waxay mid mid ugu tageen una wareysteen qaar ka mida dadkii ay kula kulmeen laamiga iyo goobaha ganacsiga iyagoo wax ka weydiinaayay amniga uu Alle siiyay.

Sidoo kale Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir wuxuu la shaah-cabay Odayaal iyo dadka deegaanka oo meel fagaare ah ku caweenayay.

Gudoomiye Yabooh wuxuu soo hadal qaaday sida uu amniga ahaan jirey xiligii ciyaal weerada ay dadka yaaqshiid ka caban jireen iyo hada sida amnigu u hagaagsan yahay.

“Waxa noogu muhiimsanaa ee aan kormeerka u sameynay ayaa ahaa amniga waana mida koowaad labaad iyo sedexaad muhiimada shacabkeenu u baahan yahay in amniga xoogga la saaro”ayuu yiri Mr Yabooh

Dhanka kale wuxuu carabka ku adkeeyay gudoomiye xigeenka Gobolka Banaadir  Mr. Yabooh  in kormeerkaan uu noqon doonno mid joogto ah oo loogu kuurgalayo Amniga Xamar, wuxuuna Bulshada kula dar-daarmay inay Dowlada ka caawiyaan Amniga iyo la shaqeynta maamulada degmooyinka.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleAadan Madobe oo la kulmay gudiga arimaha dibada baarlamaanka Mareykanka+Sawirro
Next articleMAXAA LAGA YAQAAN SIYAASIGA LOO DOORTAY AFHAYEENKA AQALKA WAKIILADA MAREYKANKA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here