Hannibal Qadaafi oo ah wiilka ugu yar ee uu carruurta uu dhalay kaligii-taliyihii hore ee Liibiya, Mucamar Al-Qadaafi, ayaa la sii daayay kadib ku dhawaad 10 sano oo uu xirnaa isagoo aan maxkamad lasoo taagin.
Maamulka dalka Lubnaan ayaa gacanta ku dhigay guri dambeyska Qadaafi oo hadda 49 sano jir ah, sanadkii 2015-kii, iyagoo ku eedeeyay inuu qarinayay macluumaad ku saabsan halka uu ku dambeyn doono wadaad Shiico ah oo u dhashay Lubnaan oo lagu waayay Liibiya sanadkii 1978-dii, xilligaasi oo uu labo sano jir ahaa.
Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa canbaareeyay eedeymahaas. Qareenkiisa ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay, in dammaanad lacageed oo dhan $900,000 (£682,938) la bixiyay.
Laurent Bayon ayaa yiri: “Waa dhammaadka riyo u uku jiray 10 sano.”
Bishii Oktoobar, garsoore ayaa dhigay damiin lacageed oo dhan $11m, si loo sii daayo wiilka Qadaafi, balse middaas ayaa la dhimay todobaadkii hore ka dib markii ay racfaan ka qaateen kooxdiisa difaacaysa, sida ay sheegtay AFP.
Mr Bayon waxa uu sheegay in macmiilkiisa oo ah wiilka Qadaafi uu ka tagi doono Lubnaan, una aadi doono meel “qarsoodi ah”.
Sannadkii 2015-kii, kooxo hubeysan ayaa Hannibal Qadaafi ka afduubay gudaha Lubnaan, ka hor intii aan la sii dayn. Markii dambe waxaa xiray mas’uuliyiinta Lubnaan.
Wadaadkii Shiicada ahaa ee Musa al-Sadr oo lagu waayey Liibiya sannadkii 1978-kii ayaa muddo tobanaan sano ah xiisad ka dhex abuurtay Liibiya iyo Lubnaan.
Hannibal Qadaafi waxa uu markaas ahaa labo sano jir, mana uusan qaban xil sare oo Liibiya ah markii uu qaangaaray.
XIGASHO BBC SOMALI
