HomeWarkiiGuud ahaan dalalka reer Galbeedka oo ku baaqay in degdeg loo joojiyo...

Guud ahaan dalalka reer Galbeedka oo ku baaqay in degdeg loo joojiyo dagaalka Gaza iyo xasuuqa socda

Starving Palestinians seek desperately needed food aid in Nuseirat, central Gaza Strip, July 20, 2025. [Ramadan Abed/Reuters]QAZA (DAYNIILE.COM)-In ka badan labaatan waddan oo reer galbeedka u badan ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Gaza, iyaga oo sheegay in dhibaatada halkaas ka jirta ay gaartay meel adag  iyada oo go’doominta caalamiga ah ee Israel ay sii kordhayso.

Hadalkaan  ayaa yimid ka dib in ka badan 21 bilood oo dagaal ah oo sababay xaalado bini’aadanimo oo masiibo ah oo soo wajahday in ka badan laba milyan oo qof oo deggan Gaza.

Xulafada Israel ee Boqortooyada Ingiriiska, Faransiiska, Australia, Kanada iyo 21 dal oo kale, oo lagu daray Midowga Yurub, ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku baaqay in dagaalka hadda la soo afjaro.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in laga wada-hadlo xabbad-joojin,  sii-daynta maxaabiista ay haystaan dagaalyahannada Falastiiniyiinta iyo inay si xor ah u socdaan gargaarka aadka loogu baahan yahay.

Qaramada Midoobay iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa diiwaangeliyay 875 qof oo lagu dilay Gaza iyagoo isku dayaya inay cunto helaan tan iyo dabayaaqadii bishii May, markaasoo Israa’iil ay billowday inay xannibaado gar-gaarkii la gaarsiin lahaa reer Gaza laba bilood ka badan.

“Diidmada dawladda Israa’iil ee gargaarka bini’aadantinimo ee muhiimka ah ee dadka rayidka ah waa wax aan la aqbali karin. Israa’iil waa in ay u hoggaansantaa waajibaadkeeda sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay reer Galbeedka

Bayaanka cusub ee wadajirka ah ayaa adkeynaya baaqooda xabbad-joojin degdeg ah, iyagoo sheegay in dalalku ay diyaar u yihiin inay qaadaan tallaabo ay ku taageerayaan dariiqa siyaasadeed ee nabadda gobolka.

Israa’iil iyo Xamaas ayaa u socday wadahadallo xabbad joojin ah, balse ma muuqato wax guul ah oo laga gaaray, mana cadda in xabbad joojintu ay dagaalka ku joojin karto iyo in kale.

Netanyahu ayaa si isdaba joog ah u sheegay in ballaarinta howlgallada milatari ee Israa’iil ee Gaza ay ku cadaadin doonto Xamaas wada xaajoodka.

Isagoo la hadlayay baarlamaanka, xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, David Lammy ayaa uga mahadceliyay Mareykanka, Qatar iyo Masar dadaalkooda dublamaasiyadeed ee ay isugu dayeen inay joojiyaan dagaalka.

“Ma jiro xal milatari,” Lammy ayaa yidhi. “Xabbad-joojinta xigta waa inay noqotaa xabbad-joojintii u dambaysay.”

Israa’iil ayaa dagaalka Qaza ka billowday kaddib markii Xamaas ay hoggaaminaysay weerar lagu qaaday koonfurta Israa’iil Oktoobar 7, 2023, halkaas oo ay ku dishay ugu yaraan 1,129 qof, 251 kalena maxaabiis ahaan u kaxaysteen.

50 maxbuus ayaa weli gacanta ugu jira reer Qaza, laakiin in ka yar kala bar ayaa loo maleynayaa inay nool yihiin.

Ugu dambeyn Weerarada milatari ee Israel ayaa la diiwaan geliyay in lagu dilay in ka badan 59,000 oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza, oo u badan haween iyo carruur.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -