Guud ahan Suuqyada Magalada Boosaaso oo maanta xiran

 

Guud ahan Suuqyada Magalada Boosaaso oo maanta xiran

Xoga laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta inta badan uu xiran yahay Suuqa Magaaladaas,kadib markii Ganacsatada lagu kordhiyey Canshuur dheeraad ah.

Saddex Cisho ka hor ayaa Ganacsatada wax kasoo dejista Dekadda Boosaaso waxaa ay sheegeen in Ganacsigooda ay Wasaaradda Maaliyadda ku kordhisay Canshuurtii ay ka qaadi jiraty,isla markaana taasi ay Ganacsigooda culeys ku noqotay.

Ganacsatada ayaa waxaa ay sheegeen inay diideen bixinta lacagta Cansuurta ah ee lagu kodhiyey,isla markaana ay ka door bideen inay Shaqa jooin sameeyaan.

Qaar kamid ah dadka danta yar ee ku nool Magaalada Boosaaso ayuu saameyn ku yeeshay xirnaanshaha Goobaha Ganacsiga,waxaana tallaabadaan weli ka jawaabin Wasaaradda maaliyadda Puntland.

Dhawaan ayaa waxaa Shaqa joojin sameeyey Ganacsatada Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo,kadib markii ay sheegeen in Wasaaradda Maaliyadda Puntlandd ku kordhisay Canshuur dheeraad ah.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064