JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Kadib shirkii Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee shalay waxaa xalay kulan gaar ah oo albaabadu u xiran yihiin yeeshay labada masuul ee ugu sareysa hirshabeelle kuwaasoo kala ah Madaxweyne Cali Guud-laawe iyo ku xigeenkiisa Yuusu Daba-geed.
Warar ku dhaw dhaw ayaa sheegaya in labada masuul si gaar ah uga wada hadleen hirgelinta qorshe uu wato Madaxweyne ku xigeenka Daba-geed oo ah in xilka laga qaado Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad oo isaga khilaaf shaqsi ah uu kala dhaxeeyo sida aan xogta ku helnay.
Madaxweyne Cali Guud-laawe oo maalmo ka hor la hadal hayay inuu diida yahay in xilka laga qaado Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan islamarkaana arintaasi darteed uu khilaaf u soo kala dhex galay isaga iyo Daba-geed ayaan si rasmi ah loo ogeyn wuxuu xalay ka yiri soo jeedinta Yuusuf Daba-geed.
Warar aan wali la xaqiijin oo ku dhaw dhaw kulankii xalay ayaa muujinaya ifa-faale ah labada odey inay u heshiiyeen Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan balse maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa is fahamka odayaasha hadii ay soo baxdo xilka qaadis degdeg ah oo lagu sameeyo Gudoomiye Muuse Salaad oo dhanka kalana soo afjario doona khilaafka labadooda waaba hadii ay dhacdo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
