Advertisement

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo  maanta gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabeelle ayaa sheegay in Isbaarooyinka yaala deegaaanada Hirshabeelle ay u yaalaan Qaar kamid ah Ciidanka Xoogga dalka.

Advertisement

Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay arrimaha amniga, dardargalinta wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab oo dhowaan bilaaban doona iyo muhiimada dardargalinta howlaha hortabinta u leh Dowladda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in isbaarooyinka yaala deegaanada Hirshabeelle ee lagu dhibayo dadka musaafurka ah ay u yaalaan Ciidanka Xoogga Dalka ee hoostaga Wasaarada Gaashaandhiga isaga oo xusay in dhowr jeer si hoose looga hadlay balse aan waxba laga qaban.

May be an image of 9 people, people standing, people sitting and indoor

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Hirshabeelle aysan u oolin wax isbaaro ah, qabiil aysan u oolin, balse dadkeena ay dhac iyo boob ku hayaan qaar kamid ah Ciiidanka Xoogga dalka oo aan la wadaagnay Taliskooda iyo Madaxda dalka.

Wasiirka Qorsheynta ayaa golaha la wadaagay halka uu marayo barnaajimka xalka waara, iyadoo dhanka kale Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Gaadiidka uu golaha uga waramay qorshooyinka Wasaarada ee hagaajinta Garoomada diyaaradaha iyo howlgalinta taarkooyinka gaadiidka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here