Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta iyo Masiibooyinka Qaranka (SODMA), Maxamuud Macallin Cabdullaahi iyo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa kulan la qaatay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gargaarka degdegga ah Martin Griffiths.

Kulankaan ayaa waxaa diirrada lagu saaray xogta guud ee abaaraha dalka ka taagan, howlaha qabsoomay ilaa hada, caqabadaha jira iyo tallaabada lama huraanka ah ee ay tahay in lagu dhaqaaqo daah la’aan, si wax looga qabto saameynta taban ee abaaruhu ku yeesheen malaayiin ruux oo gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah u baahan.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha iyo Ergeyga ayaa Mr. Martin uga mahadceliyay booqashada uu dalka ku yimid, xilli la saadaalinayo in roobkii shanaad oo xiriir ah uusan u di’i doonin sidii la rabay taasoo xaaladda sii xumeyn karta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here