MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Guul guddiga Olimbikada Somaliyed ayaa dib u helay xaruntoodii Magaalada Muqdisho kadb markii uu dhawaan ka xoogay Wasiirka ciyaaradaha iyo dhalinyarada Somalia kaasoo awood Dowladeed u adeegsaday.
Wasiirka ayaa dib mar kale dib usoo celiyay furihii xarunta oo dhawaan uu kala wareegay markii uu u direy ciidamo Boliis ah kuwaasoo xitaa dhismha dhibaato gaarsiiyay sida wararka qaar sheegayaan.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Wasiirku balan qaaday inuu dayactir ku samenayo xaruntaasi,lamana yaqaan sababta rasmiga ah ee wasiirku u farageliyay shaqada Guul guddiga Olimbikada Somaliyed oo ka madax banaan Dowlada Somalia.
Dhanka kale Madaxweynaha Xiririka kubada Cagta Cali Shiine wali si rasmi ah ugama hadlin dhacdadaani xili wasiirku musuq maasuq ku eedeynayo Guul guddiga Olimbikada Somaliyed inkastoo Cali Shiine la rumeysan inay isku wanaagsan yihiin Wasiirka oo wada shaqeyn wanaagsan ay leeyihiin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
