Waxaan Maqli jiray Wadaad tuftaadi waa lagu reystay buu wax uu maqlo u jecel yahay. Macalina ardaygii waxaad waxbartay wuu ku aflaxay buu u jecel tahay. Ararta ujeedadeydu waa Madaxweyne hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Abuurkaagi waa mira dhali rabaa.

Xiligii uu Xasan Sheekh Madaxweynaha ahaa dacwada Badda 3 jeer baa gar maqal la sameeyay. Halka Xiliga Madaxweyne Farmaajo 1 mar uun gar maqal laga sameeyay. Ha ka seexato ama arimo kale ha uga daraadeene xoog weyn ma saarin. Marka laga reebo xiligan Doorashada leysu diyaarinayo oo aan u arko olole doorasho.

Mudane Madaxweyne Xasan Sheekhow Halkii aad dacwada Bada aad geysay dhib badana aad ka martay in la ogoleysiiyo Xildhibaanadii 9aad in dacwada Badda aad Maxkamada ICJ aad geysid. Halkii aad ku ogeyd hadaa laga dhaqaajiyey 4 sanno kadib. Guul kasta oo aadanahu gaaro qofkii bilaabay baa amaanta loo turiyaa. Mudane Madaxweyne Umada Soomaaliyeed wey kuu og yihiin

Abdurashid Abdulle Abikar DEYL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here