War Guuleedow waxaa tahay nin soo shaqo tegay oo tolkiis kasoo dhoodaalay. Sidaas waxaa aaminsan reer tolkaa oo marka aan dhahno Xildhibaanno iyo wasiirro idin matala ayaa federaalka katisran, waxay noogu jawaabaan Waar waa rag shaqo tegay.

Taas waxaa Caddeyn buuxda u ah kursiga aad kufadhiso kii kaaga horreeyay ee ina Cumar Carte, waakan iska dhiibay Soomaaliland ee cafiska weydiistay. Kii kasii horreeyay ee ina Hurre Buubaa waakii isna iska dhiibay Soomaaliland. Sidaas si lamid ah ayaad adiguna berri cafis weydiisan doontaa Soomaaliland, adigoo ku andacoonaya inaad u towbad keentay tolkaa, sida adigoo Diinta kabaxay. Haddaba haddii xaalku sidaas yahay sow kuuma habboona inaad Mushaarkaaga iska qaadato iskana aamusto oo aadan afka lagelin ragga laga sugayo ka arriminta masiirka Ummadda Soomaaliyeed, aadna jawaabta u deyso cidda rasmiga ah ee warqaddu kusocoto, mase waxaad tahay marti Kibirtay oo billowday iney maamusho gurigii ay martida ku ahayd?

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here