HomeWarkiiGuusha Saciid Deni iyo Ciidamada PSF intii ka hartay oo u kala...

Guusha Saciid Deni iyo Ciidamada PSF intii ka hartay oo u kala baxsaday Galmudug iyo Waqooyi-Bari.

Wararka ka imaanaya Deegaanada Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Hogaamiyaha Maamulkaasi Saciid C/laahi Deni uu gaaray guul siyaasadeed kadib culeys Dowlada Faderaalka Somalia ay saartay bilihii ugu danbeeyay markii ay gudaha maamulkaasi ka qoratay ciidamo faderaalka taageersan.

Ciidamadii Gaalkacyo saldhiga ugu weyn ku lahaa ee PSF ayaa la xaqiijiyay inay xeelad milateri dartiis uga baxsadeen xerooyinkooda dhanka Puntland iyagoona u galay dhanka Maamulka Galmudug ee dariskooda ah.

Sidoo kale Ciidamadii PSF ee iyagana saldhiga weyn ku lahaa Qardho ayaa iyagana la soo sheeayaa inay u baxadeen dhanka Maamulka Waqooyi Bari oo daris la ah Maamulka Puntland lamana oga halka ay saldhigteen oo ciidamadaasi degeen.

Guur guurkaan ciidamada ay sameeyeen ayaa Sacidi Deni u nqon karta guul uu kaga nafiso cadaadiska Dowlada Faderaalka Soomaaliya ay saartay Maamulka Puntland iyadoo labadii dagaal ee ka kala dhacay Boosaaso iyo Gaarkacyo ay noqdeen kuwa Sacidi Deni u horseeday guusha.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -