Ciidamada Daalibaan ayaa dhoolatus milateri ku qabtay magaalada Kabul Maanta oo Axad ah iyagoo adeegsanaya gawaarida gaashaaman ee Maraykanku isagacararey iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Ruushka,

bandhiggaas oo muujinayay isbeddelka ay hadda ka wadaan magaalada Kabul oo ay isu beddelayaan ciidan joogto ah.

Dhoolatuska ayaa lala xiriiriyay qalin-jabinta 250 askari oo dhawaan tababar loo furay, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ee Dowladda Islaamiga ah ee Dalka Afgaanistaa Enayatullah Khwarazmi.

Dhoolatusku waxa ka qayb qaatay daraasiin baabuurta gaashaaman ee M117 ee Maraykanku sameeyo oo si tartiib tartiib ah kor iyo hoos ugu wadey wadadooyiinka waaweyn ee Magaalada Kabul ee Xaruunta Wadanka Afgaanistaan.

iyada oo diyaaradaha helicopters-ka ee MI-17 ay gaaf wareegayeen Askar badan ayaa watey qoryaha darandooriga u dhaca ee loo yaqaan M4 ee Maraykanka midaasi oo muujineysa sida ay ururka Taalibaan ugu Guuleysteen Mareykanka iyo Xulafadiisa.

 

Akhristoow Maxaa kaaga baxay Dhoolatuskaani?

By C/wahaab Aadan C/raxmaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here