In Ka Badan 105 Xildhibaan ayaa la sheegay inay Saxiixeen Mooshinka Xilkaqaadista Gudoomiye Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Tan ayaa ka dhigan in Sacdiya Kursiga Laga Tuuri Doono,waxaana maanta xildhibaanadii tegay Kulanka ay diideen inay saxiixaan buuga xaadirinta.

Sidaas awgeed waxaa baaqday shirkii maanta golaha shacabka yeelan lahaayeen,iyagoo diiday inay shir gudoon noqoto kulankaasi Sacdiya Samatar oo manbarka guddoomiyaha fadhisay.

Guux weyn ayaa ka jira Magaalada muqdisho iyo kulamo siyaasadeed oo xoog leh,waxaana la sugayaa keliya dib ugu soo laabashada Muqdisho Afhayeenka Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe oo hadda safar ugu maqan Gobolka Bakool.

Tan iyo arimaha dooda abuuray ee xeerka jinsiga oo Gudoomiye Sacdiya Samatar ku goodisey inay meel marin doonto ayaa mucaaradnimo xoog leh ay la kulantay.

Xildhibaanada mooshinka saxiixay waxay sheegeen inay marnaba ogolaan doonin in ay sii ahaato gudoomiye kuxigeenka 1aad Ee Golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Lama saadaali karo mooshinkaan inuu hirgeli doono iyo inkale waxaana gadaal ka riixeyso in Sacdiya meesha laga saaro Madaxtooyada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here