Ciidanka Saldhiga Boliiska Degmada Hodon, ayaa galabta 02.Jan.2024 abaare 17:40 PM, gacanta ku dhigay qof rag ah oo ku eedeysan inuu dilay Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed ina hooyo Saliimo Cumar Cismaan 43 jir ah, kana mid aheyd shaqaalaha Nadaafada ee Degmada Hodon.

Eedeysane Ibraahim Aadan Maadeey ina hooyo Nuurto Cabdi Cabdulle 19 jir ah ku dhashay Shabeellaha Hoose degan Ceelasha Biyaha, ayaa ciidanku gacanta ku dhigeen, xiligii uu dilka geystay, wuxuu isku dayay inuu Ciidanka iska difaac, Balse waxaa suurta gashay in la qabto isaga oo dhaawac ah iyo hubkii uu falka ku geystay.

Advertisement

Eedeysanaha oo dhaawac ah ayey Ciidanku gacanta ku hayaan, waxaana la waafajin doonaa Garsoorka awooda u leh si uu cadaalad u maro.

Mahadsanidiin.

Previous articleDowlada oo soo saartay xeer ku aadan burinta heshiiskii Muuse Biixi iyo Abiy Axmed
Next articleGolaha wada-tashiga Qaran oo war ka soo saaray damaca Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here