MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa saacadihii ugu danbeeyay baraha bulshada qabsaday oo hadal heyn weyn ka dhalatay dabaq qurux badan oo ganacsi lagu heystay kaasoo Dowlada Somalia ay dhulka la sintay iyadoo warar kala duwana ay ka soo baxayaan.
Dabqaan oo Muqdisho ku yaalay, islamarkaana sida sawirkaan ka muuqata aad ka arki karto waa dabaq aad u qurxoon oo kor iyo hoosba ay ganacsi ku heysten dhalinyaro Soomaaliyeed oo shaqo abuur ka dhigtay.
Guud ahaan ganacsigaan ayaa ahaa maqaaxi loogu magac daray Jazeera, wararka ayaa tilmaamaya in hada dhalinyaradaasi shaqo la’aan noqdeen.
Dhalinyardii maqaaxida lahaa ayaa inta isku imaadeen waxay sawir ku soo galeen halka laga burburiyay maqaaxida markii la dumiyay kadib iyagoona soo geliyay baraha bulshada waana sababa hadal heynta ay uga dhalalatay.
Sawirka kore waa dumiska ka hor halka sawirka hoose ee dhalinyaradii maqaaxida lahaa galeen uu yahay markii la dumiyay kadib.
Si kastaba Craxmaan C/shukuur siyaasiga mucaaradka oo ka mida ah dadka sawirkaan ku isticmaalay barihiisa bulshada ayaa sheegay in ganacsato laga iibiyay dhulkaasi dhalinyarada laga burburiyay sidoo kalana lacagta ka soo xarootay ay ku jeebkooda ku dhaceyso madaxda Dowlada Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

