MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa galabta iyo caawa baraha bulshada qabsaday oo hadal heyn badan ay ka dhalatay Muuqaal lagu shaaciyay Baraha Bulshada kaasoo si nadiif loo arkayo dhagax Afka uga dhaca gudaha Garoonka ciyaaraha Satdium Mogadishu Macalin Mahdi.oo ah ninka ugu sareeya Booliiska Gobolka Banaadir.
Dhagaxa oo si kadis ah ugu dhacay Taliyaha ayaa la arkay isagoo markiiba qabsaday halka dhagaxu ka xanuujiyay oo afka iyo sanka ahaa.
Ma jirin wax talaabo ah uu qaaday Taliyaha oo ah nin dhaliyaro ah,waxaana la arkaayay isagoo dhalinyarada ku dhex milmay islamarkaana ay dhalinyaradu sawiro la galayaan.
Taliyaha wuxuu ja qeybgalay ciyaartii Fiinaalka ahayd ee Galabta isku arkeen Degmooyinka Howl-wadaag iyo Warsheekh xili 2-1 ay koobka ku qaadeen ciyaartoyda Degmada Howlwadaag.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
