HomeWarkiiHadal heyn ka dhalatay ereyo culus oo ay is dhaafsadeen Wasiirada Warfaafinta...

Hadal heyn ka dhalatay ereyo culus oo ay is dhaafsadeen Wasiirada Warfaafinta SSC khaatumo iyo Puntland

Waxaa Caawa aad baraha bulshada  u qabsaday hadal heyn weyn oo ka dhalatay hadalo kulul oo ay is dhaafsadeen Ama isugu jawaabeen Wasiirada Warfaafinta labada Maamul ee kala ah Puntland iyo SSC Khaatumo

Ugu horeyn Wasiiraka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in Laas-caanood noqotay guri-waraabe wuxuuna soo jeediyay in Shirka ka socda albaabada la isugu dhufto.

“Laascaanood waxay noqotay guri-waraabe; waa in  la xiraa oo albaabada laysugu dhufto shirkaasi “ayuu yiri wasiir Maxamuud Ceydiid Dirir.

Wasiirka Ceydiid intaaa ugama harine wuxuu durey ergooyinka ka yimid Gobolka Sanaag ee Beesha Warsangeli.

“Tahriibayaasha reer Sanaag waa in la celiyo;  Sool iyo Buuhoodle-na waa Puntland cid ka saari kartana ma jirto”ayuu yiri Wasiirka Puntland oo sidoo kalana Dowlada Somaliya ku tilmaamay burcad.

Arinta sida xooggan baraha bulshada u ruxday ayaa ahayd markii Wasiirka Warfaafinta SSC Khaatumo jawaad adag ka bixiyay isagoona waliba u hadlay sidii lagu bartay wasiir Ceydiidka Puntkand.

Wasiirka Warfaafinta SSC Khaatumo Najiib Barkhadle ayaa ku tilmaamay nin jirkiisa ka gaancsada dhigiisa Puntland .

“Ceydiid waa nin jirkiisa ka ganacsada”ayuu yiri Wasiir Najiib Barqadle

Wasirka SSC Khaatumo  isna intaa kuma joogaasane wuxuu mar kale sheegay in Puntland ay arki jirtay xildhibaano sida uu sheegay ay jawaano ku gurtaan  balse hada xaalku sidaas ka duwan yahay.

“waxba lagama beddeli karto SSC lamana hor-istaagi karo, keliya waxa Punland u furan hal wado waana in  nabad lagu wada-noolaado.”

Markaan waxaa muuqaneysa in wasiirka Wrafaafinta Puntland uu ku soo baxay Wasiir jawaab degdeg ah siiya waliba isla habka uu hadli jirey oo kale.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -