MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa mar kale si xoogan u soo laabtay hadal heynta xil ka qaadista Taliyaha Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe kaasoo sidii hore loo waday la doonayo in lagu badalo Mahad salaad ooo hore xilkaan u soo qabtay.
Xalay iyo saakaba waxaa mar kale isasoo taraya hadal heynta ah in maanta lagu dhawaaqi doono isku badalka labadaasi masuul.
Asbuucyo ka hor mar sidan oo kale aad loo hadal hayay xil ka qaadista Sanaloolshe waxaa la xasuustaa inay si adag uga fal-celiyeenBeesha uu ka soo jeedo Sanbaloolshe ee Xawaadle.
Saraakiisha Macawisleyda iyo odey dhaqamaeedyada ayaa si kulul oo hanjabaad ku jirto waxay u sheegeen in hadii laga qaado xilka Sambaloolshe ay Dowlada iyo iyaga banaanka kala istaagi doonaan.
Hadal heyntaaan danbe waxaa ku cusub in beesha Xawaadle aysan aqbali doonin xil kasta oo loogu badalo Taliyaha Nabas sugida balse kaliya ay doonayaan xilkaasi madaama sida ay ku andacoodeen ay dagaal adag kula jiraan Alshabaab.
Si kastaba hadal heyntii saacadihii ugu dambeysay soo bilaabatay ayaa maanta xoogeysatay balse wax cadeyn ah lama hayo ilaa iminka oo ku saabsan xil ka qaadista Sanbaloolshe.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
