Waxaa Xarunta Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay Galabta hadal-jeedinta Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

19 Musharax ayaa Maanta Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka kahor jeeyay khudbadahooda ku aadan sooyaalkooda siyaasadeed iyo ballanqaadyada  waxa ay qaban doonaan marka loo doorto xilka Madaxweynaha oo ay tartamayaan.

Musharaxiinta hadalka jeediyay ayaa waxaa ku jiray Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday, Madaxweyneyaashii hore ee dalka, Madaxweynaha Puntland oo ah Musharax Madaxweyne iyo Musharaxiin kale, waxaana Musharax kasta uu hadlay 15 daqiiqo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa soo xiray fadhiga kulankii Maanta, wuxuuna u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare ee dhageystay khudbadaha ay u jeediyeen Musharaxiinta.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 15-ka bishaan May 2022 ka dhaceysa Teendhada Afisyooni, waxaana la galayaa labadii maalin ee ugu dambeysay ee Ololaha doorashada Madaxweynaha dowladda Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here